13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Howlgallada ka socda Suuqa Bakaaraha oo la sheegay in seddex maalmood oo kale sii socon doonaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 10, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgallada ka wada Suuqa Bakaaraha G/lle Sare Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa maanta shaaca ka qaaday in howlgallada ka socda Suuqaas lagu soo af-jari doono seddex maalmood oo hadda dhiman gudahood.

 

Taliyaha waxaa uu sheegay in ay jiraan cabashooyin uga yimid ganacsatada Suuqa Bakaaraha, hayeeshee ay u harsan yihiin howlgallo ay ka wadaan Suuqa Bakaaraha, isagoo caddeeyay in maanta ay gudaha Suuqaas ka soo qabteen Waxyaabo qarxa iyo Rasaas noocyo kala duwan leh.

 

G/lle Sare Dhuumaal waxaa uu intaas ku daray in ay maanta min shan Askari oo Boolis ah ay geeyeen Shirkadaha Xawaaladaha iyo Isgaarsiinta ee ku yaala Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo uu sheegay in ay mushaarooyinkooda bixin doonaan Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Taliyaha waxaa kale oo uu sheegay in kadib markii ay kulamo la qaateen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha  ay isla guddoonsadeen in ay iska soo dhex xulaan guddi 10 xubnood ka kooban, kaasi oo la socda Ciidamada howlgallada sameynaya, sidoo kalena wuxuu carrabka ku dhuftay in gudaha Suuqa Bakaaraha laga sameyn doono Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulan maalintii shalay ahayd dhexmaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Guddi ka socday Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa gunaanadkiisii ka soo baxay in ay wada shaqeeyaan Ciidamada howlgallada ka wada Suuqa Bakaaraha iyo Ganacsatada, si ay meesha uga baxdo is-aamin darro labada dhinac soo kala dhexgasha.

 

Kulankii maanta dhexmaray Ganacsatada Gobolka Banaadir  iyo Taliyaha Ciidamada howlgallada ka wada Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii 6aad ay gudaha Suuqa Bakaaraha ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo howlgalkooda uu keenay in uu gebi ahaanba istaago ganacsigii Suuqaas.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa xirnaashaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo Ganacsatada Suuqyada yar yar ee Muqdisho ku yaala ay  bilaabeen in ay sare u qaadaan qiimaha badeecooyinka ay iibinayaan, bacdamaa Suuqii ay ku xirnaayeen uusan wax ganacsi ah ka soconin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somali

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).