13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaraxyo sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 10, 2007(HOL): Seddex Qarax oo is-xigay ayaa maanta waxay ka dhaceen Suuqa Bakaaraha oo maalintii 6aad ay howlgallo ka wadaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qaraxyadaasina ay sababeen dhimashada 2 ruux iyo dhaawac intaas ka badan.

 

Qaraxyadan ayaa labo ka mid ah waxay ka dhaceen Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaana nawaaxiga Shirkadda Xawaaladda Qaran Express iyo Masjidka Abaa Hureyra, halka midka kalena uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in qaraxyadaas qaarkood lagu bartilmaameedsanayay Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Qaraxyadaas kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas tiro badan oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka kor u ridayeen, taasi oo qal-qal iyo cabsi ku abuurtay dad tiro yar oo maanta Suuqa Bakaaraha u shaqo tegay, kadib markii ay maqleen wada hadal dhexmaray madaxda Dowladda Federaalka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa weli wuxuu yahay mid aaney u soo shaqo tegin inta badan ganacsatadii ka xoogsan jirtay, waxaana maanta ka jiray ganacsi aad u yar, iyadoo inta aad dhex socoto aad arkeyso dad orod ku goynaya waddooyinka Suuqa dhexmara, si aysan waxyeello uga soo gaarin iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan  ee ka soo horjeeda.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay Dowladda Federaalka ka codsadeen in ay Ciidamada ka dul-qaado, si ay howlahooda ganacsi dib ugu furaan, iyagoo caddeeyay in aaney haatan suurtagal u ahayn in ay howllo ganacsi bilaabaan sabab la xiriirta Ciidamo hubeysan oo goobahooda ganacsiga dul-degan.

 

Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo maalintii shalay ahayd shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay suurtageliso in uu dib u furmo Suuqa Bakaaraha, iyadoo Xaaji Cabdi Iimaan oo Odayaashaas ka mid ah uu sheegay in tan iyo markii uu istaagay ganacsigii Suuqa Bakaaraha ay ciriiri gashay nololsha dad badan oo ku tiirsanaa wixii maalintaas soo shaqeystaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku yaala oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo manaafacaadsada raashin quutul-daruuri ah oo Suuqaas looga iibyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).