
Isniin, July 09, 2007(HOL): Shir ay leeyihiin Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa maalintii labaad waxaa uu ka socdaa Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay shirkan ka maqan yihiin Odayaal ka tirsan Beelaha Hawiye, gaar ahaan kuwii soo shaac baxay xiligii ay socdeen dagaalladii Muqdisho.
Shirkan oo uu furay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan ayaa ajendayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah in xal loo helo khilaafaadyada ka dhex jira Beelaha Hawiye, kadibna laga qeybgalo Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay Beelaha Hawiye is-cafiyaan, isla markaana ay cafis weydiistaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed.
Odayaasha shirkan ka maqan oo ay ka mid yihiin Axmed Diiriye Cali, Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Maxamed Xasan Xaad iyo xubno kale oo ku fikir ah ayaa markii ay qaadacayeen shirkan waxay sheegeen in aysan ogeynin Beelo Hawiye oo Colaad u dhaxeysa laga heshiisiinayo, sidoo kalena ajedayaasha Shirka looga hadlayo aysan ku jirin dhibaatooyin ay sheegeen in ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu dhameeyo Khilaafaadyada u dhaxeeya Beelaha Hawiye ka hor inta aan la gaarin shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu wado in uu Muqdisho ka bilowdo 15-ka Bishan Luulyo.
Dhanka kalena, Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka mid ah Odayaasha Hawiye ee qaadacsan ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo Shirka Hawiye ayaa wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu shalay saxaafadda siiyay Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, kaasi oo ahaa in ay isaga iyo Ugaas Cabdi Daahir ay raali ka yihiin ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo shiweynaha Hawiye, “aniga iyo Xaaji Cabdi Iimaan ma jirin shir ay beelaha Hawiye ka qeybgelayaan oo aan isla ogeyn, weyse dhici kartaa in uu isagu kaligiis go’aankaas qaatay”ayuu yiri Ugaas Cabdi Daahir oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye ee uu Guddoomiyaha ka yahay Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa waxaa lagu dhawaaqay intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April, iyagoo la safnaa dhinacii hubeysnaa ee dagaalka kala soo horjeeday Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, hayeeshee waxaa haatan muuqaneysa in xubnihii ku mideysnaa Golahaas uu khilaaf soo kala dhexgalay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






