13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Dhaqaatiirta Xoolaha oo baaritaan ku wada sababtii keentay dhimashada 50 Neef oo Ari ah oo ku dhintay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 03, 2007(HOL): Waxaa sii xoogeysanaya Wararka ku saabsan sababta keetay Dhimashada in ka badan 50 Neef oo Ari ah  kuwaasoo mar kaliya ku dhitay Duleedka Magaalada B/weyn Gaar ahaan goob ku dhaw xerada ay dagan yihiin Ciidamada Dawlada Itoobiya.

 

Dhaqaatiir ka Tirsan kuwa Xoolaha oo siweyn ugu howlan sidii ay wax badan uga ogaan la hayeen arintaa iyada ah, ayaa qaarkood waxaa ay u sheegeen HOL in qeyb ka mid ah Baaritaankooda ku soo ogaadeen in wax cudur ah aysan qabin Xoolahaasi, iyaga oo intaa ku daray in ay wali ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen war sax ah oo lala xiriirin karo wax ka jira in Arigaasi  la sumeeyay.

 

Qaar ka mid ah dadkii iska lahaa Ariga la baarayo ayaa sheegay in ay ku soo arkeen halkii ay daaqayeenm xoolaha Buskud aad u tiro badan oo daadsan,  taasoo dadku uu ku macneynayo in uu yahay in kan keenaya dhimashada Xoolaha,  Balse qaar ka mid ah dhaqaatiirta oo ay HOL ka weysatay sida ay u arkaan cabashada dadka ee la xirirta Buskudka ayaa waxaa ay sheegeen in arintaasi suurta gal tahay, Maadaama wax kasta oo la sumeeyo ay keeni karaan dhimasho deg deg ah, waxaana ay intaa ku dareen hadii ay wax ka jiraan Aritaa ay qatar ku tahay deegaanka oo idil.

 

Ilaa hadda Ma’jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka kaasoo ku saabsan Baaritaanka la wado, halka dhanka kale uu soo baxayo shaki la xiriira Buskudka lagu arkay Duleedka Magaalada gaar ahaan goobta fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya oo dad badani leeyihiin waa arin cusub oo dhinac marka laga eego qatarteeda xan-baarsan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).