13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo hub ka soo saaray Garaashyo ku yaala Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 18, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa saakay waxay howlgallo hub uruurin iyo amni sugid isugu jira ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

 

Garaashyo ku yaala Degmada Kaaraan ayay Ciidamadaasi ka soo saareen hub noocyo kala duwan leh iyo weliba gaadiidka Dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano, waxaana gebi ahaanba la joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshi jiray Degmadaas.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maalinba waxay ka howlgalaan labo ilaa seddex ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna maalintii shalay ahayd ka howlgaleen Xaafado ku yaala Degmooyinka Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Boondheere, iyagoo baaris ku sameeyay guryo badan oo Degmooyinkaas ku yaala.

 

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa Deegaanka 6 Biyaano lagu soo bandhigay hub aad u tiro badan oo laga soo uruuriyay xaafado ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo munaasabaddaas ka qeybgalay ay sheegeen in hubka laga soo uruuriyay Magaalada Muqdisho uu saadaal ka sii bixinayo in Soomaaliya ay cagta saartay Wadadii Nabadda.

 

Howlgallada ay Ciidamadan sameeyaan ayaa waxay aalaaba caqabad ku noqdaan dhaqdhaqaaqa dadka, haddii ay ahaan lahaayeen kuwo shaqo aadi lahaa Arday kasab tacliineed aadi lahayd, kuwaasi oo ay danta ku kalifto in ay guryahooda dib ugu laabtaan kadib marka ay waayaan waddo ay maraan.

 

Haddaba Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo wax laga weydiiyay caqabadaha howlgallada Muqdisho ka socda ka soo wajaha dadka shaqeysan lahaa iyo kuwa waxbarashada aadi lahaa ayaa wuxuu sheegay in dadka looga baahan yahay in ay dulqaad muujiyaan inta ay howlgallada socdaan, bacdamaa sida uu yiri ay howlgalladu yihiin kuwo ammaankooda lagu sugayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).