13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cudur-daar ka bixisay baaritaan lagu sameeyay guriga Madaxweynaha Dowladdii TNG-da

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 09, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cudur-daar ka bixisay baaritaan ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku sameeyeen guriga Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan, kaasi oo markii la baaray kadib laga helay hub noocyo kala duwan leh.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere) iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa saakay gurigiisa ku booqday madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan, si ay cudur-daar uga bixiyaan baaris ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ku sameeyeen guriga C/qaasim Salaad Xasan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad ka raaligeliyay tacaddigii ay ku sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwa Itoobiya, wuxuuna muujiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu ka xun yahay falkaas lagula kacay Madaxweynaha Dowladdii ka horeysay Dowladdiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haatan kadib aysan dhici doonin arrimahaas oo kale.

Madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu qaatay raaligelinta uga timid dhinaca Dowladda Federaalka, wuxuuse madaxda Dowladda Federaalka ka codsaday in ay dabagal ku sameeyaan Ciidmadii gurigiisa baaray ee hubka ka qaatay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa mas’uuliyiin gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ayaa sheegay in aysan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka la socon baaritaanka lagu sameeyay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay tallaabadaasi qaadeen Ciidamada Nabad-Sugidda Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Gacma-Dheere waxaa uu sheegay in tallaabadaas ay ahayd mid aan ku wanaagsaneyn in lagula kaco mas’uul xil Qaran oo Madaxweynenimo ah ka soo qabtay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaar ka mid ah hubkii laga qaaday guriga C/qaasim dib loo soo celiyay, halka inta harsanna loo soo celin doono.

Hadalkan cudur-daarka ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd saxaafadda loo qeybiyay warsaxaafadeed laga soo saaray baaritaan lagu sameeyay guriga Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan, iyadoo warsaxaafadeedkaasna lagu sheegay in falka lagu baaray guriga C/qaasim Salaad uu ahaa mid ka dhan ah Axdiga KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Qodobkiisa 14aad, farqadiisa 11aad lagu xusay xushmadda uu leeyahay madaxweynaha xilka ka dega, iyadoo warsaxaafadeedka uu intaas ku daray in xad-gudubka lagu sameeyay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu yahay mid aan habooneyn oo mad-madow gelin kara dib u heshiisiinta.

Ma ahan madaxweynihii ugu horeeyay oo isagoo xil Qaran soo qabtay la ixtiraami waayo, waxaana horay loogu xad-gudbay Cali Mahdi Maxamed oo isna horay Madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya, kaasi oo ay ku xad-gudbeen Maleeshiyooyin ka amar qaadanayay maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Cali Mahdi ayay xiligaas Gaari uu watay ay kaga qaateen Deegaanka Siinka Dheer ee Wadada Afgooye Maleeshiyooyinka Maxkamadihii Islaamka, isagoo markaasi kadibna halkaasi ka soo raacay Mooto Vespa ah oo uu watay Nin aqoonsaday .

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).