Khamiis, June 07, 2007(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer oo magaalada London ee Dalka Ingiriiska uga qeyb-geleysa Shirka Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaalida ( International Contact Group) ayaa ka hadashay xarig shalay Muqdisho loogu geystay Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan iyo weliba Seddex Idaacadood oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya albaabada u laabtay.
Jendayi Frazer waxay sheegtay in xayiraadda ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay Idaacadaha Horn Afrik, Shabelle iyo Qur’aanka Kariimka ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo khatar u keeni kara shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono.
Jendayi Frazer waxay intaas ku dartay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee UN-ka taageero ay sidoo kale xirtay Xaaji Cabdi Iimaan oo madax u ah Guddiga Odayaasha Beelaha Hawiye, waxayse sheegtay in ay Dowladda Federaalka ay si dhaqsi ah uga fiirsin doonto tallaabooyinkaas ay qaaday.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay lagu xiray seddex Idaacadood oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay amni darro abuureen, in ay taageerayeen Argagixiso-nimada, in ay ku xad-gudbeen Xoriyadda Hadalka iyo in ay Dadka marin-habaabinayeen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaala ilaa 10 Idaacadood oo FM ah, kuwaasi oo kala ah Horn Afrik, Shabelle, Banaadir, Capital Voice, Simba, IQK, Somaliweyn, Codka Nabadda, VOD iyo Radio Mogadishu oo ku hadla afka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Idaacadahan yihiin kuwo FM ah oo laga dhegeysto Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, marka laga reebo Idaacadda Horn Afrik oo iyadu Sattelite-ka ku jirta, isla markaana laga dhegeysto Qaaradaha Europe, Australia, Asia iyo Africa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






