Talaado, May 22 (HOL) –
Xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md Adan Cabdulle Cusmaan (Adan Cade) ayaa soo wanaagsnaaneysa sida uu noo soo xaqiijiyey wiilkiisa Inj. Cabdulqaadir Adan Cadde oo aan telefoonka kula xiriirnay isaga oo joogaa gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Madaxweyne Adan Cadde ayaa caafimaad baaris loo keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya bishan May 15 keedii, wuxuuna hadda ku jiraa qaybta xannaanda gaarka ah (Intensive care unit).
Wixii warbixin dheeraad ah ee ku soo kordha, dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa
Hiiraan Online






