Axad, 22, Apr. 2007 (HOL) Afahayeeno u hadlay Beesha Hawiye oo ah garabka sheegta in ay ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa war ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in saacdihii ugu danbeeyay uu jiray xiriir ay la soo sameeyeen sarkiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ka dagaalama Magaalada Muqdisho oo sida Beeshu sheegtay ka dalbaday in la joojiyo xabada iyo dagaalada dhacaya.
Siyaasiga C/laahi Sh. Xasan iyo waliba Nabadoon Axmed Diiriye ayaa labadu sheegay in uu dhinacooda Xiriir la soo sameeyay Gen. Gabre oo ah madax ciidamada ka dagaalamaya Muqdisho, oo sida ay sheegeen ku wargaliyay in ay diyaar u yihiin in xabada la joojiyo sidaa daraadeed dhanaca kalana laga doonayo in sidoo kale yeelaan.
Sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in Gen. Gabre uu ku wargaliyay in Dowlada Itoobiya arintaa ay u soo wakiiladay Boqor, Buur-madoow oo sidoo kale la sheegay in uu wado xiriir arimahaa ku saabsan, si markaa dhamaan loo joojiyo dagalada ka socda caasimada Muqdisho.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la sheego in uu jiro xiriir u dhaxeeya Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya oo ugu danbeytii laga dhaxlo uun dagaal culus oo fara looga gubto, ilaa hadana majiro war ka soo baxay dhinac dowlada Itoobiya oo ku saabsan warka ka soo baxay dhinaca beesha Hawiye.
Dhinaca kale wararka ku saabsan dagaalada ka socada caasimada Muqdisho ayaa sheegaya in Maanta sidoo kale magaalada ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraar sida uu sheegay Wariye Xiis oo intaa ku daray in dagaalaka Maanta uu ahaa mid u badnaa Madaafiicda halka kii maalintii shalay dhinacyada is haya isaga hor yimaadeen si fool ka fool ah iyada oo la adeegsanayo ciidamada lugta.
Salaad Xiis waxaa uu intaa ku daray in ilaa hada aan la sheegi karin guulo dhinacyadu kala gareer oo uu dagaalku yahay mid marba meel ka qarxaya.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararka danbe ee HOL.
C/raxmaan Diini Hiiraan Online