9.3 C
London
Sunday, October 26, 2025

Shir looga soo horjeedo Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya oo Ingiriiska lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, April 08, 2007(HOL): Shirkan oo lagu qabtay Hool ay leedahay Jaamacadda Leicester ee Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno Soomaaliyeed, Xubno metelayay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool  iyo mas’uuliyiin ka kala socotay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadihii Islaamka.

 

Shirkan oo maalinii seddexaad maanta socda, isla markaana isla maanta la soo gebagebeyn doono ayaa xubnaha ka qeybgelaya badankood waxaa ay ka mideysan yihiin in aysan dalka Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah iyo in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya.

 

Aqoonyahanno wax ka dhiga Jaamacado ku yaala Mareykanka iyo kuwo aan Jaamacado dhigin oo si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya ayaa shirka ka qeybgelaya, waxayna qaarkood sheegeen in shirkan loo qabtay si looga hadlo dhibaatada ka dhacday Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho, iyadoo aqoonyahannada qaarkoodna ay sheegeen in shirka gunaanadkiisa lagu sameyn doono dhaqdhaqaaq caawiya kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga Soomaaliya.

 

Aqoonyahannada kulanka ka qeybgelaya waxaa ka mid ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Dr. Cali Khaliif Galeyr, Prof. Gandi, Prof. Guure, Prof. C/raxmaan Ibbi (Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka), Prof. Ibraahim Xasan Caddow (Maxkamadihii Islaamka) iyo aqoonyahnno kale.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadihii Islaamka u qaabilsanaa arrimaha Dibadda ayaa shirkan ka sheegay in ay weli jiraan Maxkamadihii Islaamka, isla markaana ay ka qeybqaadanayaan dhaqdhaqaaqyada dalka Soomaaliya looga saarayo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxay u muuqataa mid ay mucaaraddo ka soo wajaheyso dhinaca Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo hadana aan la dhacsaneyn siyaasadaha Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda iyo Aqoonyahanno si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, walow aqoonyahannadan ay u badan yihiin kuwo ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, shirkan lagu qabtay Dalka Ingiriiska ee looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo afar maalmood socday oo ay dad badan ku dhinteen, isla markaana ay ku dhaawacmeen, kuna barakaceen dad kale oo badan.

 

Qodobo Shirka laga soo saaray halkan ka aqriso

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).