Arbaco, 04 April 2007(HOL): Kooxda Xiriirka Soomaalida ee ka kooban Wadamada Mareykanka, Yurub iyo Afrika oo shir maalin qaatay ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa soo saaray go’aano ku aadan dagaallada ka dhacay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Go’aano ka soo baxay shirka ay madax ka socotay wadamadaas isugu yimaadeen ayaa waxaa ka mid ahaa in xabadda la joojiyo, in la de-dejiyo Ciidamada Midowga Afrika ee loo so dirayo Soomaaliya, si ay uga baxaan dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiya in shir dib u heshiisiineed loo qabto dhinacyada ku dagaalamaya Siyaasadda Soomaaliya iyo in la magacaabo gudi la socda dhaqanka go’aannada shirka ka soo baxay.
Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo shirkaas ka qeybgalay ayaa wariyayaasha ugu sheegay magaalada Qaahira in ujeedada shirkaas loo qabtay ay ugu weyneyd in laga wada hadlo xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya iyo dagaalladii dhawaan ka soo cusboonaaday.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka
Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa oo isna hadlay ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta saacadihii ugu dambeeyay laga soo sheegay magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas ku sii daray in ay lagama maarmaan tahay in la sii adkeeyo xabad-joojintaas. Caamir Muusa wuxuu muhiimad gaar ah u arkay si loo soo af-jaro dhibaatada ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho in la de-dejiyo ciidamada Midowga Afrika ee la keenayo Soomaaliya, isla markaana dhinacyada ay colaadda u dhaxeyso loo qabto shir dib u heshiisiineed.
Magaalada Muqdisho ayaa maalintii seddexaad deggan kadib dagaallo qaraar oo ka socday muddo afar maalmood ah, waxayna deganaantaas timid kadib markii ay odayaal metelaya Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay gaareen heshiis xabad joojin ah, inkastoo aysan heshiiskaas wax lug ah ku lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu dalka keentay Ciidamada Itoobiyaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






