Isniin, March 19, 2007(HOL): Markab Gaadiid iyo Qalab Ciidan u sida Ciidamada
Markabkan oo ka soo shiraacday Dekedda
Wararku waxay intaas ku darayaan in hakad la geliyay howlihii dejinta iyo raridda ahaa ee ka socday Dekedda Muqdisho, waxaana taasi lagu macneeyay iyadoo uu Dekedda ku soo dhow yahay Markabkaas oo lagu magacaabo Mv Global Provider.
Markabkan ayaa soo xirashadiisa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho, inkastoo aaney Madaafiicdaas geysanin wax khasaare ah oo la sheegi karo.
Kooxo hubeysan oo ku kacsan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada shisheeyaha ah ee ay adeegsaneyso ayaa weerarro la beegsada Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo weliba Xarunta Villa
Magaalada Muqdisho ayaa waxay noqotay mid fowdo ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya ay deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay ka saareen Xoogaggii iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, waxaana ka dhaca dilal loo geysanayo dad rayid ah iyo weerarro lagu qaadayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






