Jimco, March 16, 2007(HOL): Inkastoo magaalada Muqdisho la
Marka aad gudaha u soo gasho magaalada waxaa kuu soo baxeysa aragti ka duwan tan aad ka heysato marka aad meel kale joogto, gaar ahaan dhinaca nabad- galyada iyo waliba isku socodka dadka, dhinaca magaalada Afgooye oo aan ka soo galay muqdisho ayaa markiiba waxaa ay idhaheygu qabteen ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo aan cidna wehlin gudaha magaalada iska dhax jooga taasoo meesha ka saareysa in aragtida oraneysa ciidamada Itoobiya ma dhaafaan xeryaha ay dagan yihiin.
Markii aan gudaha u soo galay sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa markii iigu horeysay waxaan arkay ciidamo Itoobiyaan ah oo sadax sadax iyo labo labo intaba isaga lugeynaya agagaarka isbitalka Banaadir iyo waliba aaga daarta lagu magacaabo Soobe, kuwaasoo waliba u muuqday kuwo aan cabsi badan ka qabin goobta ay ku sugan yihiin,
Laakiin halka aan ku arkay ciidamadii ugu badnaa ee dowlada federaalka waxaa ay aheyd isgooyska NO. 4 oo ay baaritaan ka wadeen ciidamadu, waxaana iigu yaab badneyd in xitaa ciidamadu ay baaryeen Bacaha ay dadku sitaan oo la ii sheegay in maalmihii ugu danbeeyay lagu soo dhax-qarinayay waxyaabaha qarxa.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho waa kuwo wax yaabaha dhacaya mar walba u toog haya laakiin hadana shaqadu aysan ka joogsan, gaar ahaan marka aad gudaha u gasho gawaarida BLka ah dadku waxaa ay si weyn u hadal hayaan hadba xaaladda magaaladu ku sugan tahay, gaar ahaan waxa saacad kasta dhici kara marka loo eego iska hor imaadyada dhax mara kuwa wax weerara iyo waliba ciidamada dowladda oo hadda ah kuwo u soo jeestay in ay wax badan ka qabtaan amaanka guud ee magaalada,
Kaliya hadda magaalada Muqdisho waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay magaalado dadkeedu mar walba uu ku jiro Taxadir iyo waliba foojignaan la xiriirta dhinaca nabad-galyada, waxa kaliya ee laguu sheegayo ayaa ah in aad iska damiso hadii aad wato Mobile-ka gacanta, oo ah wax yaabaha ugu daran ee laysku dilo, cid kastana waa mid taxadir qabta marka ay mareyso goobaha qaar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online