8.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo Bil ah u qabtay Xildhibaano Fadhiyada Baarlamaanka ka maqan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 15, 2007(HOL): Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa waxay isku raaceen in Xildhibaano Fadhiyada  Baarlamaanka ka maqan muddo dheer ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku yimaadaan Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.

 

Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo horay loogu xil saaray in uu ka soo baaraan-dego sida laga yeelayo Xildhibaanada Baarlamaanka ka maqan ayaa Fadhigii maanta waxaa uu hor-geeyay mooshin ka dhan ah 42 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo sababo kala duwan uga maqan fadhiyada Baarlamaanka.

 

Xildhibaanadii fadhiyay kulankii maanta oo tiradooda lagu sheegay 170 Mudane ayaa markii ay cod u qaadeen Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka waxay natiijadii noqotay in 157 Mudane ay u codeeyeen in Xildhibaanada maqan ay muddo 30 cisho gudahood ah ku yimaadaan Xarunta Baarlamaanka, halka 7 mudane ay diideen, 6 mudane oo kalena ay ka aamuseen in ay codeynta ka qeyb-qaataan.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada Baarlamaanka ayaa waxay u badan yihiin Xildhibaano ka soo horjeeda siyaasadaha Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya.

 

Ku dhawaad 20 Mudane iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa muddooyinkan dambe waxay ku sugnaayeen dalalka Jabuuti iyo Eretereya, iyagoo si weyn uga soo horjeeda xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhawaan sheegay in uusan aaminsaneyn in xilkii Guddoomiyenimada si sharci ah looga qaaday, sidaas darteedna uu weli yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Baarlamaanka, isagoo mar uu ka hadlayay xiliga uu ku laabanayo dalka Soomaaliyana sheegay in uu tegayo marka ugu horeyso ee ay dalka Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).