10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Xuska Sanadguuradii 11aad ee ka soo wareegatay geeridii Elman Cali Axmed oo Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, March 11, 2007(HOL):  Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanad guuradii 11aad ee ka soo wareegatay geeridii marxuum Elman Cali Axmed oo ay 9-kii Maarso 1996-kii kooxo hubeysan ku dileen Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho iyo 17 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman  iyo weliba sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay aas aaska Maalinta Nabadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel-ka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

 

Khudbado ku aaddan xuska Marxuum Elman, Aaska Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman iyo weliba Maalinta Nabadda Soomaaliyeed oo halkaas laga soo jeediyay ayaa waxaa lagu sheegay in nabaddu ay tahay sheyga ugu weyn ee ka maqan Shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in qof walba oo Soomaali ah uu ka shaqeeyo, iyadoo laga sheegay goobta in Nolosha Aadanaha ay ku jirto Nabadda oo la hagaajiyo.

 

C/naasir Axmed Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee INXA oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Elman uu ahaa nin lahaa sifooyin badan oo ay tahay in looga daydo, wuxuuna ka soo qaatay in uu ahaa nin isku kalsoon, nin hal abuur leh, nin gudbiye ah oo wixii uu soo bartay dadka u gudbiyay oo aan la dhiman, nin naxariis badan, wuxuuna taas ku caddeeyay in uu u gargaari jiray dadka danta yar iyo agoonta.

 

Intaas kadib waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed, kaasi oo ka cudurdaartay in uu wax badan ka sheego waxqabadkii Walaalkiis Elman, wuxuuna caddeeyay in waxqabadkiisii ay dadku wada arkayaan, balse wuxuu u mahadceliyay intii qeybta kala qaadatay xuskii Elman.

 

Waxaa xusid mudan in seddex wiil oo caruurta derbiyo jiifka ah la guddoonsiiyay Tuulal ay ku shaqeystaan, kuwaasoo kala ah Cusmaan Ibraahin Macalin, Daahir Axmed Nuur iyo Warsame Ashraaf Maareey, waxaana tuulalkaas oo ay ku jireen alaabta kabaha lagu baalasho amaba lagu caseeyo guddoonsiiyay ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Firimbi oo isagu ku yiri caruurtaas halku dhigyadii marxuumka Tuugsi maya, Shaqo haa.

 

Inj. Suudaan ayaa sheegay in ay sidoo kale xaruntooda ku bixin doonaan ilaa 30 Tuul oo kale oo kuwo la mid ah caruurtaas la siin doono, sidoo kalena ay 2000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay raashin u qeybin doonaan, halka tartamo Isboortina ay jiri doonaan, iyadoo dhamaan sadaqooyinkaas oo dhanna ay yihiin kuwo ay ugu talagaleen in ay ku xusuustaan Marxuum Elman oo ahaa nin u naxariisan jiray dadka dantayar.

 

Halku dhigyadii Marxuum Elman

 

Waxaa jiray halku dhigyo codka maatida loogu magac daray oo ay ilaa maanta soo saarto hay’adda Elman, kuwaasoo lagu xusuusanayo halyey Maxamuud Cali Axmed (Elman) oo isagu soo gudbin jiray halku dhigyadaas, waxaana ka mid ah:

 

Maatidu waxay doonayaan:-

 

DOWLAD CAADIL AH, NABAD, XUQUUQ, XORNIMO SINNAAN IYO CADDAALAD

 

Maatidu waxay doonayaan in ay ka xoroobaan:

 

DAGAALKA SOKEEYE, DILKA, DHACA, BOOBKA, BILILIQADA, KUFSIGA, AFDUUBKA IYO ARRIMAHA QABIILKA

 

Maatidu ma doonayaan:

 

KU DANEYSTAYAAL, GUMEYSI, GUMEYSI DHAQAALE IYO FARAGELIN SHISHEEYE

 

Eng. Elman isaga oo ku guda jira howlahaas uu bulshada u hayay ee wax tarka leh ayaa la dilay isagoo aysan jirin cid uu wax ka bi’iyay, waxaana toogtay shan nin maleeshiyo ah isagoo dhex lugeynayay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan isla markaana gacanta ka haya canug yar oo agoon ah oo uu baar casho ka soo siiyay, kaasi oo haatan ka shaqeeya isaga oo soo koray Xarunta Elman, saacaduna waxay ku beegneyd xiligaas 7:30 fiidnimo, sida muuqatana wuxuu marxuum Elman u geeriyooday hadafkiisa oo ahaa in nabaddii iyo dowladnimadii la soo celiyo, isaga oo mar waliba u doodi jiray xuquuqda dadka dulman.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qofkii wax tara dadkiisa iyo dalkiisa taariikhda baal dahab ah ayuu ka galaa, dadkiisana ma iloobaan, waxaana marag ma doonto ah in alle ha u naxariistee marxuum Elman Cali Axmed uu ahaa nin kaligii u istaagay wax ka qabashada dhibaatadii heysatay dadkiisa iyo dalkiisa, iyadoo uu aakhirkiina u geeriyooday sabab la xiriirta waxyaabihii fiicnaa ee uu sameynayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).