13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Askar ka tirsan Dowladda Federaalka oo la toogan lahaa oo baxsaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 03, 2007(HOL): Sedex Askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka, isla markaana ay xukun dil ah ku riday Maxkamadda Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay labo ka mid ah baxsadeen xili loo sii waday Fagaaraha Dugsiga Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu toogan lahaa, halka midkii sedexaadna ay isagoo dhaawac ah gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Federaalka.

Seddexdan Askari ee la toogan lahaa ayaa horay u dilay Askar kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna tan iyo markii la xukumay ay ku xirnaayeen Xabsi ay Dowladda ku xiratay, kaasi oo saakay laga soo saaray, si abaalkooda loo mariyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay askartaasi u baxsadeen sabab la xiriirta kadib markii ay dayaceen Ciidamadii iyo saraakiishii u xil saarnaa in ay Fagaaraha Dugsiga Booliska keenaan, “waxay ahayd in ay soo xir-xiraan si aysan u baxsan, hayeeshee taasi ma aysan dhicin, waxaana muuqata in ay karti darro jirtay”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo caddeeyay in ay socoto baaris ku saabsan in si bareer ah loo sii daayay Askartaas gacan ku dhiiglayaasha noqday iyo in ay si caadi ah u baxsadeen.

Salaad Cali Jeelle waxaa uu carrabka ku dhuftay in haddii ay caddaato in bareer loo sii daayay gacan ku dhiiglayaasha aysan taasi ka hari doonin Dowladda Federaalka, isla markaana lagula xisaabtami doono raggii baxsashadooda ka dambeeyay, kuwaasi oo laga doonayo in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashii ama ay bedelaan.

Haddii Askartan xukunka toogashada ah lagu fulin lahaa ayaa waxay noqon lahayd markii labaad oo xukun toogasho ah lagu fuliyo askar Dowladda Federaalka oo dilay Askar kale oo isla Dowladda ka tirsan, waxaana horay Magaalada Baydhabo loogu toogtay Askar gacan ku dhiiglayaal noqday oo dil u geystay Askar kale.

Fagaaraha Dugsiga Booliska ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxaa xukunno toogasho lagu fuliyay labo jeer, xiligaasi oo ku beegneyd markii ay Maxkamadihii Islaamka ka talinayeen Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas lagu toogtay labo nin dil u geystay rag ganacsato ah oo magaalada Muqdisho laga yaqaanay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).