13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamo Puntland ah oo Magaalada Beledweyne uga gudbay dhinaca Deegaanka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, March 02, 2007(HOL): Ciidamadan oo wata 18 gawaarida dagaalka ah iyo waliba Gadiid kale oo isugu  jira ku  xamuulka qaada iyo waliba Booyadaha biyaha  ayaa mar kaliya lagu dhax arkay gudaha magaalada B/weyn ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo wax xoogaa cabsi ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada.

 

Ciidamada oo baryihii aynu soo dhaafnay si weyn looga hadal hayay qeybo ka mid ah gobalada dhaxe  ee Soomaaliya ayaa markii ay soo gaareen gudaha magaalada waxaa ay uga sii gudbeen dhinaca galbeed   iyaga oo ku sii hakaday  islamarkaana la sheegay in ay wali ku sugan yihiin tuulada lagu magaacaabo Ceel-cali oo ka tirsan gobalka Hiiraan si markaana ka hor inta aysan u sii anba baxin safarkooda ay u helaan adeegga ay u baahan yihiin.

 

Mid ka mid ah saraakiishii ku soo dhaweysay ciidamada gudaha gobolka oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in wali ciidamadu dhiman yihiin lana filayo in saacadaha soo socda ay soo gudbaan kuwo kale oo ka tirsan isla ciidamadan, waxaana uu intaas ku daray in ay ciidamadu yihiin kuwo loogu tala galay in ay ka qayb-qaataan sugida nabad-galyada amaanka magaalada caasimada ah  ee Muqdisho, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay Ciidamadan haatan tegayaan Deegaanka Balli-Doogle.

 

Markii ay soo gaareen gudaha magaalada ciidamada ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ka degeen gawaaridii ay saarnaayeen si ay u hubiyaan in ay soo wada gudbeen gawaarida xamuulka ah, waxaana marka aad eegto ciidamadu ahaayeen kuwo si weyn u foojigan ula socday dhaq-dhaqaaqa dadka ka ag dhaw.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo intaa la  eg ay soo dhax-mareen gudaha magaalada B/weyn tan iyo markii lagala wareegay maamulkii Maxkamadaha,  waxaana xusid mudan in ciidamadani ay san soo marin magaalada Guri-ceel ee xarunta u ah Gobalka Gal-gaduud , iyadoo lawada xasuusto iska hor imaadkii dhawaan ku dhax-maray gudaha dagmada Guri-ceel ciidamo reer Puntland ah iyo waliba kuwa deegaanka.

 

Dhinaca kale waxaa degan xaaladda deegaanka Baar-magoog oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo inta la og yahay ay ku naf-waayeen dad gaaray ilaa 30 ruux, waxaana ilaa hada halkaa ku sugan xubno ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan iyo waliba saraakiila ka socta dowlada itoobiya oo halkaa u tagay sidii loo dhax dhaxaadin lahaa dhincyada is haya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).