Jimco, February 02, 2007(HOL): Hal ruux ayaa dhintay 7 ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu saakay madfac habow ah oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray uu ku habsaday Dugsi Qur’aan ku yaala Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho.
Madfaca ayaa ku dhacay Dugsi Qur’aan ay wax ku bartaan dadka waa weyn oo lagu magacaabo Umu Caa’isha, kaasi oo ku yaala Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, waxaana kadib halkaasi isaga barakacay dadkii ka dhawaa halkii uu madfaca ku soo dhacay.
Xalay ayay ahayd markii Dugsigii Hoose/Dhexe ee Taleex oo ay degan yihiin dad soo barakacay uu ku dhacay madfac habow ah, kaasi oo sababay dhimashada afar ruux iyo dhaawac intaas ka badan.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Shiikh-Doon Salaad Cilmi ayaa sheegay in dhaawaca 7 ruux oo uu madfac kula dhacay Dugsi Qur’aan ay wax ku baranayeen, kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood xaaladdooda ay liidato.
Muqdisho dagaal
Xalay oo kale xaaladda magaalada Muqdisho ma ahayn mid caadi ah, waxaana madaafiic lagu weeraray dhowr xaafadood iyo Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana madaafiicdii xalay ku geeriyooday inta la ogyahay 7 ruux oo ahaa dad rayid ah.
Dhanka kalena, Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay Isgoyska Maana-boolyo ee magaalada Muqdisho, waxaana toogashada Askarigaas ka dambeeyay kooxo hubeysan oo qorigii uu watayna ka qaatay. Askarigan oo howlgal nabad sugid ah u joogay Isgoyska Maana-boolyo ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Saldhigga
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online