15 C
London
Monday, October 13, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Baydhabo looga yeeray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 24, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ugu yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka maqan Magaalada Baydhabo, iyadoo mudada ugu dambeysa ee Xildhibaanada loo qabtay in ay Baydhabo ku gaaraana ay tahay 26-ka bishan oo labo  maalmood kaliya ay naga xigto.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu sheegay in sababta uu Xildhibaanada ugu yeerayo ay tahay in ay Baarlamaanka hor yaaliin howlo fara badan oo ay ku jirto doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhici doonta 29-ka bishan.

 

Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku adkeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku tagaan Magaalada Baydhabo mudada loo qabtay, si ay uga qeybqaataan doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo shirar kale oo looga hadlayo xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaano ay ka mid yihiin Ibraahim Aadan Xasan Kiish-buurr, Shiikh Nuur Cali Aadan, Avv. Axmed Ibraahim, Maxamuud Cabdi Xuseen Bekoos, Shiikh Aadan Mader iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa daneynaya in loo doorto Jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka oo uu dhawaan ka qaaday Baalamaanka Soomaaliya  Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Midowga Yurub, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya uu xilkiisii u soo celiyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna Cusmaan Cilmi Boqorre ku tilmaamay hadalka Midowga Yurub mid aan la aqbali karin, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay leedahay shuruuc u degsan oo ay ku dhaqanto, sida ay dalalka Midowga Yurub iyaguba shuruuc u leeyihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).