Axad, January 21, 2007(HOL): Wadamada Khaliijka oo inta badan loo iib geyn jiray Xoolaha Nool ee Soomaalida iyo weliba Hilibkooda ayaa todobaadkii hore waxay ku dhawaaqeen in ay iska joojiyeen qaadashada Xoolaha Soomaalida, iyagoo taasina ku sababeynaya in deegaano ka tirsan Dalka Soomaaliya mar kale laga sheegay Xanuunka Xoolaha iyo Dadka ku dhaca ee Rift Valley Fever.
Jiritaanka warkan waxaa xaqiijiyay Mahdi Cabdulle Wardheere oo ah Maareeyaha Shirkadda Som-meat oo iyadu ah shirkad dhoofisa Hilibka Xoolaha, wuxuuna sheegay in todobaad ka hor ay ku soo wargeliyeen dalalkii ay hilibka u iib geyn jireen oo Khaliijka Carabta ka tirsan in ay joojiyaan hilibkii ay u dhoofin jireen, isagoo caddeeyay in tallaabada ay dalalkaasi qaateen ay ku noqotay mid lama filaan ah oo khasaare dhaqaale soo gaarsiisay.
Mahdi waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in uusan dalka Soomaaliya soo gaari karin cudurka Rift Valley, sababtoo ah buu yiri Soomaaliya waa dal ay Cimiladiisa inta badan kulul yihiin, cudurkaasina wuxuu ka dilaaci karaa Wadamada Qaboobaha leh ee Soomaaliya la deriska ah sida
Deegaano ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa laga soo sheegay dad ay asiibtay xumadda Rift Valley Fever, kuwaasi oo qaarkood gobollada Jubbooyinka ay ugu geeriyoodeen. Cudurkan ayaa la sheegay in marka uu qofka ku dhaco uu sanka iyo afka dhiig ka sii deynayo kadibna uu muddo gaaban ku geeriyoonayo, iyadoo asalkana ay dadku ka qaadaan cudurkan xoolo uu cudurku asiibay oo ay Hilibkooda cuneen ama ay Caanahooda cabeen.
Mahdi Cabdulle Wardheere waxaa uu sheegay in ay tahay markii labaad oo xayiraad noocan oo kale ah ay soo food saarto dhoofinta hilibka iyo xoolaha nool ee Soomaalida, wuxuuna caddeeyay in ay mar kasta dalalka Carabta ay go’aankan qaataan kagadaal marka dalalka Kenya iyo Itoobiya laga sheego in uu ka dilaacay Cudurka Rift Valley, iyadoo markaasina ay warbixin aan jirin ka gudbiyaan Xoolaha Soomaalida dad cadaw ku ah in uu horay u maro ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaalida.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online