Sabti, January 13, 2007(HOL): Xaruta cilmi baarista iyo wada tashiga soomaaliyeed ee CRD qeybteeda Gobolka hiiraan ayaa ku guuleysatay in soo afjarto colaad ku ku dhawaad 4 sano u dhaxeysay beelo wada daga deegaanka Raso oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Colaada labada beelood oo markeedii hore ka bilaabatay nin lagu dilay goob Isbaaro ah ayaa markii dambe isku badashay gacan ka hadal dhexmaray beesha ninku ka dhitay iyo waliba dhinaca kale ee falka dilka ah geystay, waxaana intii ay dirirta labada dhinac soctay ku geeriyootay in kabadan 96 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac iyadoo sidoo kalana la gubay ilaa 7 tuulo.
Laakiin dagaalku waxaa uu sii xoogeystay sanadkii 2005 xiligaas oo labada dhinac la rumeysan yahay in ay iska dileen ku dhawaad 64 ruux oo ka kala dirsan dhinacyada colaadu u dhaxeysay, waxaana fashilmay islamarkaana guul laga gaari waayay daadaalo la doonayay in lagu dhameeyo colaada, waxaana Isku daygaa colaad joojinta ah xitaa ka qeyb-qaatay dowlada federaalka xiligii ay daganeyd gobalka Shabeelada Dhaxe, iyo waliba mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabeelada Dhaxe.
Fashiladda is daba jooga ah kadib waxaa markii dambe xaaladda soo galay Odayaal iyo culimaa’udiin ka tirsan beelaha dirirtu u dhaxeyso iyo waliba kuwa ku dhaw dhaw kuwaasoo ku guuliysatay in ay qaboojiyaan xaalada arintana laga furo wada hadal, laakiin culmaa’udiinku ma aysan gaarsiin halkii loo baahnaa sababo dhaqaale iyo mid mooral intaba, iyagoo fariinta arintaas ku saabsan markii danbe soo gaarsiiyay Xarunta wada tashiga iyo cilmi baarista ee CRD oo wada tashi iyo baaritaan dheer ka dib ugu deeqday dadka reer Raso Dhaqaale iyo waliba Aqoonyahano wax ka gala wada xaajoodka labada dhinac.
Kulan ay ka qeyb galeen in ka badan 200 oo argo ah kana kala tirsan beelaha colaadu dhax martay iyo waliba kuwa ay ood wadaaga yihiin ayaa lagu qabtay gudaha tuulaha Raso, taasoo keentay in si dhab ah loo faaqido gunta hoose ee colaada si looga wada qanco wax yaabaha laysku hayo.
Madax Xurta cilimi baarita iyo wada Tashiga ee CRD qeybta Gobalka hiiran Eng. Max’ed Xasan Kulmiye oo HOL u waramay ayaa sheegay in dhinacyadii kulanka ka qeyb-galay ahaayeen kuwo u bisil in wada hadlku najaxo, waxaana uu intaa ku daray in gacan weyn ay ka gesteen sidii hishiis buuxa looga gaari lahaa colaada maadaama ayuu yiri wax yaabo badan tanaasulaad laga sameeyay.
Ugu dambeytiina waxaa halka ka dhacay farxad labada beelood ay ku soo dhaweeyeen in meesha laga saaro khilaaf dhax yiilay in ku dhaw 4 sano dad badana ay ku dhiteen hanti faro badana lagu lumiyay, iyadoo ugu danbeytiina lasku afgartay qodobo marka dhinac laga eego ay adag tahay in la jibiyo kuwaasoo xakameynaya in mar kale si fudud loo dagaalamo.
Deegaanka Raso waa dhul ay ku nool yihiin dad u badan xoolo dhaqato, wuxuuna deegaankaasi dhinaca K/galbeed kaga beegan yahay degaanka Jalalaqsi, halka magaalada B/weyna uu u jiro 170 km.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online