Axad, January 07, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dil loo geystay nin lagu magacaabi jiray C/weli Xasan Cumar, kaasi oo lagu dilay agagaarka Xero Jarmal ee Wadada Warshadaha iyo Qarax Bambaano oo loo geystay guri ku yaala Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid.
Ninka la dilay ayaa la sheegay in loo dilay sabab la xiriirta in uu ka tirsanaa Culumaa’udiinkii sida weyn u taageersanaa Maxkamadihii Islaamka ee gacan ku heynta Muqdisho lagala wareegay, bacdamaa sida ay sheegtay xaaskiisa Faadumo Mursal Samatar aan laga qaadin Taleefoon iyo Bastoolad qaali ah oo uu watay.
Maalintii Jimcada ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayaa isna Xaafadda NBC ee Degmada Hodan waxaa lagu dilay nin Oromo ah oo isna loo dilay sabab la xiriirta in uu xiriir la lahaa Maxkamadihii Islaamka, iyadoo ninkaasina markii la dilay kadib meydkiisa la geeyay Fagaaraha Tareebuunka ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena habeenkii xalay ahaa ayaa guri ku yaala Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaa lagu tuuray Bambo gacmeed, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen seddex gabdhood oo wada dhashay, kuwaasi oo daaradda guriga Filim ku wada daawanayay, waxaana Bamkaas looga shakisan yahay in uu guriga ku tuuray Wiil ay xurguf kala dhaxeysay Wiil la dhashay seddexda gabdhood ee dhaawacmay.
Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka isaga baxeen Magaalada Muqdihso waxaa soo kordhayay falal nabadgelyo darro ah oo ay geysanayaan dad u muuqda in ay ka cabsan jireen Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo Magaalada Muqdisho ka dhigay muddo lix bilood ah goob ammaan ah oo la isku haleyn karo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia