15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in uu ku qanacsan yahay maamulka cusub ee gobolka loo magacaabay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, January 02, 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday in uu ku qanacsan yahay maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan, isagoo caddeeyay in uu xilka ku wareejinayo, isla markaana uu la shaqeynayo.

 

Yuusuf Daba-geed waxaa uu sheegay in maamulkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa ay soo magacawday Dowladda Federaalka, midkan cusubna ay isla dowladda soo magacawday, sidaas darteedna aysan jirin sabab ay uga hor yimaadaan.

 

Sidoo kalena Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee ay dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Hiiraan, waxayna qaarkood sheegeen in maamulkan uu yahay midkii samatabixin lahaa dadka Gobolka, iyagoo taasina ku sababeynaya mas’uuliyiinta loo magacaabay oo ay ku sheegeen kuwo macquul ah.

 

Marka laga soo tago ayidaada Guddoomiyihii hore ee gobolka iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee gobolka Hiiraan ka soo jeeda, waxaa magacaabista maamulka cusub ka boodsan Guddoomiyihiin hore ee degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo isagu ku doodaya in ay sharci darro tahay wareegtada uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor imaan karta maamullada ay gobollada u magacaabayaan, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda tallaaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto ciddii isku dayda in ay ka hor timaad maamullada ay magacaabayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).