Isniin,
Madax Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa todobaadkii hore waxaa uu sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka muddo todobaad ah u qabteen ciidamada Itoobiyaanka in ay uga baxaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay haddii ay mudadaas uga bixi waayeen ay weerarro la kulmi doonaan.
Wasiirka ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Maxkamadaha Islaamka looga fadhiyo in ay fuliyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd sida uu hadalka u dhigay in ay soo weerarayaan, “haddii ay yihiin dad Islaam ah waxaa la rabaa in ay ka dhabeeyaan ballantii ay qaadeen ee ahayd in ay na soo weerarayaan”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.
Hayeeshee Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay waxa iska bedelay digniintii ay ciidamada Itoobiya u jeediyeen ayaa sheegay in ay ballantooda sideedii tahay, isla markaana aysan dalka Soomaaliya u ogoleyn in ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugnaadaan xitaa 7 daqiiqadood.
Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay u dheg taagayaan waxa dhici doona haddii mudada todobaadka ah dhamaato, isla markaana ay ciidamada Itoobiyaanka ku sii sugnaadaan dalka Soomaaliya. Dad qaarkiis waxay sheegayaan in aan la huri doonin dagaal dhaca, halka kuwo kalena ay rumeysan yihiin in aanu dagaal dhici doonin oo arrinta ay joogi doonto hanjabaad iyo isu goodin.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay Jimcadii dhaweyd in ay Maxkamadaha Islaamka xireen Albaabadii wada hadallada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xilli kasta la filan karo dagaal dhaca, balse waxaa eedeyntaas ka jawaabay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in waxa nabadda diidan ay tahay Dowladda Federaalka, isagoo madaxweyne C/llaahi Yuusuf-na ku tilmaamay nin leh dabeecad dagaal.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online