Axad,
Madaxweyne Cadde Muuse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre, waxaana kadib loo galbiyay xarunta uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Wafdiga Madaxweyne Cadde Muuse ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirradiisa Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade, Maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab iyo Caafimaadka C/raxmaan Siciid iyo xubno kale waxaana socdaalkooda lagu sheegay in uu la xiriiro sidii ay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka Puntland ay uga wada hadli lahaayeen xaaladda uu haatan dalka Soomaaliya ku sugan yahay, gaar ahaan-na arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulshada.
Socdaalka Wafdigan sare ee ka socda Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ay isku aragti ka yihiin Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay inta badan gacan ku heynta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka ayaa maalmihii tegay ku cel celinayay in aysan maxkamadaha Islaamka dooneynin nabad iyo wada hadal, isla markaana ay soo xireen albaabadii wada hadalka, inkastoo eedeyntaas ay Maxkamadaha Islaamka iska fogeeyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online