13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Deegaanadii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo degan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 09, 2006(HOL): Waxaa degan Xaaladda Deegaanadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka, inkastoo ay labada ciidan weli hor fadhiyaan mar kastana ay isku dhici karaan.

 

Dagaalkii shalay dhexmaray labada ciidan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad toban ruux ka badan, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.

 

Guul dagaalka ay ka gaareen ayay labada dhinac kala sheeganayaan, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeelle uu sheegay in ay waabiyeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo sida uu yiri weerar ku soo qaaday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay kala carareen ciidamadii Maxkamadaha kadib markii rasaas lagu furay, halka Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey uu isna sheegay in ay jab weyn u geysteen Ciidamadii Dowladda Federaalka oo kaashanayay ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Sidoo kalena Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in ay ciidamadii Dowladda iyo kuwii Itoobiyaanka ay ka qabsadeen ilaa afar gaari oo isugu jiray labo xamuul ah iyo  labo gaari oo kuwa dagaalka ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciidamada Maxkamadaha Islaamka ay ku sugan yihiin deegaanka Safar-nooleys oo ku dhow degmada Diinsoor.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay is-horfadhiyaan ciidamada labada dhinac, isla markaana ay isu jiraan masaafo ka yar 10km, waxaana mar kasta deegaanada ay labada ciidan isku horfadhiyaan laga filan karaa dagaal kale oo dhaca bacdamaa ay labada dhinac wadaan abaabullo dagaal oo hor leh.

 

Dagaalkan ka dhex qarxay Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka oo la sheegay in ay kaashaneyso ciidamo Itoobiyaan ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo difaac u noqda dowladda Federaalka loo diro Soomaaliya, halka Maxkamadaha Islaamkana ay go’aankaas ka soo horjeesteen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).