Talaado,
Taliyaha qeybta bari ee saldhiga Huriwaa Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Axmed (Kabo-ku-tukade) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada Maxkamadaha howlgalkaas fuliyeen kadib markii ay u dacwoodeen dadkii guriga xoogga looga heystay, wuxuuna tilmaamay in ay markaasi kadib u digeen dadkii guriga heystay balse ay ka madax adeygeen.
Shiikh Kabo-ku-tukade wuxuu sheegay in aysan cidna wax ku noqon is-rasaaseynta dhexmartay ciidamada Maxkamadaha iyo maleeshiyooyinkii heystay Dhismaha Warshadda, wuxuuna caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen dhamaanba maleeshiyooyinkii dhismaha ku sugnaa, kuwaasi oo intey hubka ka dhigeen ay xabsiga dhexe ee Muqdisho u dhaadhiciyeen.
Wuxuu sheegay Taliyaha qeybta
Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaan waxay howlgelisay Maxkamad qaabilsan Hanti isu celinta, taasi oo dadka u kala xukumeysa hantida ay isku heystaan, guriga uu maanta howlgalka ka dhacay qudhiisana waxaa dadkii lahaa u soo xukuntay Maxkamadda Hanti isu celinta.
Waa markii ugu horeysay oo ay dadka Muqdisho maqlaan rasaas la isku ridayo, waxaana ugu dambeysay rasaas ay maqleen xiligii ay Magaalada Muqdisho ku dagaalamayeen Hoggaamiye kooxeedyadii laga itaalka roonaaday iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyagu haatan amarkooda uu ka socdo Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online