16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay Degmo kale oo ku dhow fariisinka Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 02, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay maanta la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay, kaasi oo ay qeyb ka mid ah ka taliso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Golaha Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka halkaasi gaareen kadib markii sida uu hadalka u dhigeen ay u yeerteen dadka degmadaas ku dhaqan oo go’aansaday in ay maamul ahaan hoos tagaan Golaha Maxkamadaha Islaamka.

 

C/raxiin waxaa uu sheegay in ay degmadaas haatan wixii ka dambeeya ay tahay degmo hoos timaada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna ka digay in la weeraro, isagoo sheegay in haddii la weeraro ay la mid tahay iyadoo la wareeray Maxkamadaha Islaamka.

 

Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in dhawaan Degmadaas laga hirgelin doono maamul hoos yimaada Maxkamadaha Islaamka, kaasi oo ay soo doorteen dadka deegaanka, wuxuuna iska fogeeyay in ay Maxkamadaha Islaamka xoog ku tageen halkaas.

 

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxay hoos tagtaa Gobolka Bay oo gacan ku heyntiisa iyo maamulkiisaba ay horay u sheegan jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Waa Degmadii labaad oo gobolka Bay ka tirsan oo ay Maxkamadaha Islaamka la wareegaan, waxayna horay uga talinayeen Degmada Buur-Hakaba, waxayna taasi dad badan ku tilmaamayaan in ay Maxkamadaha si qunyar ah ugu sii baahayaan Gobolka Bay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).