16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Baydhabo oo dad loo xirxiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 01,2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in dad loo xir xiray qaraxii shalay ka dhacay koontaroolka laga galo Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo isugu jira kuwo laha qabtay halkii qaraxa ka dhacay iyo kuwa magaalada Baydhabo laga soo qabtay.

Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo Aadan Biid ayaa sheegay in dadkaas su’aalo la weydiin doono, haddii dembi lagu waayana la sii deyn doono, isagoo dhanka kalena mar uu ka hadlayay Qaraxii shalay sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid laga soo qorsheeyay Magaalada Muqdisho, isla markaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo nabadda ka jirta Magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in lagu soo wargeliyay in ay ku soo wajahan yihiin gaadiid falal nabadgelyo darro ka abuuraya Magaalada Baydhabo.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyay qaraxaas, wuxuuna caddeeyay in qaraxaasi uu ahaa mid  ay soo abaabuleen maxaakiimta Islaamka, isla markaana la damacsan yahay in qal qal lagu galiyo xasiloonida ka jirta fariisinka Dowladda Federaalka ee magaalada Baydhabo.

Maxkamadaha Islaamka wey iska fogeeyeen eedeynta loo jeediyay, wuxuuna Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys uu sheegay in qaraxaasi dadkii ku dhintay ay ka xun yihii balse aysan waxba ka jirin warka ka soo baxay dowladda Federaalka ee Maxkamadaha Islaamka la xiriirinaya Qaraxaas, “Waxaan leenahay Dowladda Federaalka mar walba waxay Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyaan wax aaney baaris ku sameynin, taasina ma ahan mid mas’uuliyad muujineysa”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

18-kii September ee sanadkan ayay ahayd markii qarax aad u xooggan lala beegsaday Kolonyo uu la socday madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana qaraxaasi oo ka dhacay meel u dheereyn Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka ku dhintay dad ka badan 10 ruux oo uu ku jiray Nin la dhashay madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).