13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay wax is-bedeleen fikraddii ay heysteen Dowladda Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 08, 2006(HOL): Guddoomiyaha guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in ay Dowladda Kenya sameysay dadaal lagu dhiirigelinayo in Maxkamadaha Islaamka ay wax ka bedelaan aragtidooda ku aadan Dowladda Kenya.

Shiikh Shariif ayaa hadalkan ka jeediyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xili halkaas lagu soo dhaweynayay wafdi maxkamadaha Islaamka ka socday oo Gobollada Jubbooyinka diyaarad ka soo qaaday ay si lama filaan ah ugu dejisay mid ka mid ah garoomada Diyaaradaha Nairobi kadib markii ay suurtagal u noqon weysay in ay diyaaraddaas ku degto garoomada Kismaayo iyo Muqdisho oo habeenkii mugdi ah.

Wafdigaas markii ay Nairobi gaareen oo Waaxda Socdaalka Dowladda Kenya lagu wargeliyay in diyaaradda ay subaxdii Muqdisho u duuleyso, isla markaana ay aqbaleen ayaa subaxdii waxaa u yimid saraakiil ka socotay Waaxda Sirdoonka Dalka Kenya, kuwaasi oo xubno ka mid ah wafdiga su’aalo weydiiyay.

Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka Axmed Shiikh Maxamed Islaan oo wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in ay ogaadeen in Saraakiisha su’aalaha weydiinayay ay ku soo direen rag Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kuwaasi oo sida uu yiri Guddoomiyaha doonayay in loola macaamilo wax uu ugu yeeray qaab ganacsi ah.

Laakin waxaa warkaas beeniyay Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee Kenya, kaasi oo sheegay in ay wax badan kala xiriireen arrimaha wafdigan dowladda Kenya, si loo sii daayo, wuxuuna beeniyay in ay ku soo direen saraakiisha sirdoonka ee su’aalaha weydiisay.

Si kastab arrintu ha haatee, Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo horay u sheegay in dowladda Kenya aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha dalka Soomaaliya ayaa mahadcelin u diray Dowladda Kenya, gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Moses Watangula, Safiirka Dowladda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo guud ahaan Soomaalida iyo Muslimiinta Kenya oo sida uu yiri habeen iyo maalin u soo jeeday sidii wafdigaas loogu suurtagelin lahaa in ay safarkooda sii wataan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).