13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Maxkamadaha Islaamka kuwo doonaya in ay qoriga caaraddiisa wax ku qabsadaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 04, 2006(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka hortaggo qorshaha ay maxkamadaha Islaamka ku doonayaan in ay Soomaaliya uga dhigaan meel ay ku nabadgalaan Kooxaha Argagixisada.

Ismaaciil Buubaa oo isagoo socdaal shaqo ku maraya Magaalada London u waramayay Idaacadda BBC-da waxaa uu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in aysan dooneyn nabad iyo wada hadal, wuxuuna caddeeyay in waxa ay doonayaan ay tahay in ay qori caaraddiis ku qabsadaan Dalka Soomaaliya.

Ismaaciil Buubaa waxaa uu intaas ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay maxkamadaha ka ahbisay in ay xoog wax ku raadiyaan, balse waxaa uu sheegay in ay u muuqdaan kuwo aanan arrintaas ka waantoobeynin, sidaasi darteedna ay qaadan doonaan mas’uuliyadda wixii dhibaato ah oo dhaca, bacdamaa sida uu yiri ay meel kasta qori la ordayaan.

Mar kalena Ismaaciil Buubaa wuxuu ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka in ay yihiin Asal-raac Qaacidda la socda oo dalka soo geliyay Ciidamo Ereteriyaan ah. Intaas kadibna wuxuu ka sii hadlay waxa ay Dowladda Federaalka ka dooneyso dalalka deriska la ah ee ay Itoobiya ka mid tahay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay dowladahaas ka doonayaan in ka gacan siiyaan Tababarka iyo taakuleynta Ciidamada, dib u dhiska dalka iyo haddii Dowladda federaalka khatar ku timaado in ay u soo gurmadaan.

Hayeeshee waxaa eedeynta uu Ismaaciil Buubaa u jeediyay Maxkamadaha Islaamka ka jawaabay oo isna u waramay Idaacadda BBC-da Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay doonayaan isla markaana ay ka go’an tahay in ay ka qeybqaataan wada hadallada, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda Federaalka u dirayaan fariin ah in aysan ciidamo Itoobiyaan ah ku marti qaadin dalka Soomaaliya.

Prof. Caddow waxaa uu u sheegay dowladda Federaalka in aysan caawin karin oo aysan awood u yeeli karin Itoobiya, sidaas darteedna ay la gudboon tahay in ay la shaqeeyaan maxkamadaha Islaamka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee eedaha ay isu jeedinayaan Dowladda Federaalka iyo maxkamadaha Islaamka ayaa waxay gebi ka sii tuurayaan rajadii laga qabay in uu isu dhawaansho dhexmaro Dowladda iyo Maxkamadaha oo haatan isugu soo haray talada dalka Soomaaliya kadib markii ay meesha ka baxeen hoggaamiye kooxeedyadii hubeysnaa ee dhowr iyo tobanka sano hor-boodayay Talada dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).