Khamiis, November 02, 2006(HOL): C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaaq oo ka tirsan Saraakiisha Hoggaanka Ciidamada Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay in ay mar kale weerar rogaal celis ah ku qaadayaan Ciidamada Maxkamadaha islaamka ee jooga gobollada Jubbooyinka.
Korneelka oo horay ay u soo baxeen in dagaalka lagu qabtay ama la dilay ayaa beeniyay in dagaalka ay la galeen ciidamada Maxkamadaha ay kala qeybqaateen ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay dagaalkaasi qaadeen ciidamada Jubbooyinka, haatana ay iyagii is-abaabulayaan oo ay mar kale weeraro qaadayaan.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka gobollada Jubbooyinka Ibraahim Shukri Shiikh Axmed ayaa horay u sheegay in ay ciidamo ka badan 40 nin ka dileen Col. Barre Hiiraale, sidoo kalena ay ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo tiradoodu dhan tahay 36 gaari, isagoo intaas ku daray in ay dagaalkaas ku qabteen sarkaal Itoobiyaan ah oo sida uu yiri ka mid ah 200 oo sarkaal oo ay dowladda Itoobiya u soo dirtay gudaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia