Sabti, October 28, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamiga in ay wadaan wax uu ugu yeeray is-ballaarin iyo caburin, isagoo ugu baaqay in haddii ay yihiin kuwo nabad doonaya ay tagaan Shirka Khartoum.
Prof. Geedi oo maanta wariyayaal kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyay in ay maalinta berri ah ama maalinta ku xigta ay magaalada
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu ka hadlay Jihaad ay shalay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho kaga dhawaaqeen, isagoo carabka ku dhuftay in Jihaadka ay ku dhawaaqeen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga uu yahay mid aan jirin oo la doonayo in dhiiggooda lagu daadiyo Dhalinyarada, Ciyaal Iskuulka iyo shacabka Soomaaliyeed, “Ma jirto cid ay weerari karaan, afka ayayna ku dagaalamaan, hayeeshee haddii ay nabad doonayaan waxaan leenahay ha tageen shirka Khartoum”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo ku sheegay Maxkamadaha in ay yihiin qabiil doonaya wax uu ugu yeeray dhul ballaarsi.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo cambaareeyay falkii dhawaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka looga hor istaagay in ay Baydhabo tagaan ayuu dhinaca kale sheegay in Maxkamadaha Islaamka ay wadaan cunaqabateyn ay ku hayaan Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna caddeeyay in gebi ahaanba la joojiyay shixnadihii ganacsi ee ku socday Gobolladaas.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la xaqiijiyay in uu horkici doono ergada Dowladda Federaalka uga qeybgeleysa wada hadallada Khartoum ee ay 30-ka bishan halkaasi ku wada yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Wararku waxay sheegayaan in guddoomiye Shariif Xasan oo habeen hore soo gaaray magaalada Nairobi ay halkaasi iska sii raaci doonaan xubnaha kale ee Dowladda Federaalka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geedi culeys lagu saaray in Shariif Xasan uu hoggaamiyo ergada uga qeybgeleysa kulanka Khartoum.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia