Arbaco, August 23, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu maanta meel 1km u jirta magaaladaas uu ka fatahay Webiga Shabeelle oo si weyn u biyo keenay.
Biyo xowli sare ku socda ayaa waxay Webiga ka soo jabsadeen dhul dhan ilaa toban mitir, iyadoo biyihii halkaasi ka soo butaacayna ay qarqiyeen beero dhowr ah oo uu ku yaalay dalag isugu jira Galleey, Sisin, Bariis iyo Yaanyo, kuwaasi oo joogay heerkii la goosan lahaa.
Dadweyne aad u faro badan oo qaarkood magaalada Jowhar xoog looga soo kaxeeyay ayaa ka qeybqaadanayay sidii ay u xakameyn lahaayeen biyahaas, iyadoo sidoo kalena maamulka haatan ka taliya Degmada Jowhar ee Maxkamadaha Islaamka hoos taga uu qorsheynayo in uu biyaha Webiga ee soo buuxsamay uu ka sii daayo Kanaalka Shiinaha oo dhawaan ay dib u dayactirtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP.
Kanaalkaas ayaa haddii biyaha laga sii daayo waxaa suurtagal noqon karta in ay biyahaas yaraadaan, isla markaana laga badbaado in ay biyaha Webiga ka soo butaacaya ay ku fatahaan meelo kale oo ay ku jirto magaalada Jowhar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia