11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ku dhawaaqay in ay furan tahay Dekedda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 23, 2006(HOL): Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho guddoomiye ku xigeenka Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Dr. Cumar Axmed Wehliye iyo Madaxa Waaxda Gaadiidka Badda Shiikh Maxamed Kaahiye ayaa lagu sheegay in ay si rasmi ah u furan tahay Dekedda weyn ee Muqdisho.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho Dr. Cumar Axmed Wehliye ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay howlo ballaaran ka socdeen Dekedda, kuwaasi oo dib loogu howlgelinayay Dekedda Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dekedda ay haatan diyaar u tahay in ay howlgasho.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa isna sheegay in dekeddu ay si rasmi ah oo sharci ah u furan tahay, isla markaana ay ku soo xiran karaan maraakiibta iyo doomaha badeecadaha iyo kaalmooyinka u soo qaada Magaalada Muqdisho, isagoo ganacsatadana ugu baaqay in ay Dekedda Muqdisho isticmaalaan.

Inj. Cumar Maxamed Maxamuud Af-dooje oo Maxkamadaha Islaamka ay u xil saarteen dhinaca dib u dhiska dalka ayaa sheegay in qiimeyn ay ku sameeyeen Dekedda ay ku ogaadeen in loo baahan yahay kharash ku dhow hal Milyan oo Doollar, dhaqaalahaas oo uu sheegay in ay ka sugayaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka geysaneysa in dib u howlgelinta Dekedda Muqdisho.

Dib u howlgelinta Dekedda Muqdisho oo xirneyd muddo 10 sano ka badan ayaa dib u howlgelinteeda waxaa soo dhaweynaya dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo weliba qaar ka mid ah Gobollada ku yaala Koofurta Soomaaliya, inkastoo ay ku tahay laf dhuun gashay ganacsato badan oo horay xiligii kala dambeyn la’aanta u sameystay Dekedo macmal ah.

Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa waxay horay ugu guuleysteen in ay dib u howlgeliyaan garoonkii Diyaaradaha Muqdisho, kaasi oo haatan si caadi ah ay u socoto howshiisa shaqo, iyadoo dib u howlgelinta Dekedda Muqdishana ay soo af-jartay isticmaalka garoomo macmal ah oo magaalada Muqdisho aad uga fog.

Dhanka kalena, waxaa maanta seminaar looga furay Magaalada Muqdisho 70 Garsoore oo isugu jiray kuwo u shaqeyn jiray Dowladdii Mileteriga ee Qaanuunka wax ku xukumi jiray iyo kuwo ay soo xusheen Maxkamadaha Islaamka, iyadoo seminaarka loo qabtay oo socon doona muddo 14 cisho ahna lagu bari doono Garsoorayaasha sida ay u wajahayaan howsha sugeysa oo ah mid la doonayo in ay ku saleeyaan Shareecada Islaamka.

Guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay furitaankii Seminaarkan ayaa wuxuu uga digay Garsoorayaasha in ay ku dhaqmaan wax lid ku ah shareecada Islaamka oo uu ka xusay Laaluush, nin jecleysi iyo qabyaalad, wuxuuna ku cel celiyay Shiikh Shariif in wixii burburka u geystay dalka Soomaaliya ay ugu horeysay cadaalad darro, Ummaddu waxay u baahan tahay in cagaha dhulka loo dhigo, waxaana loogu dhigi karaa cadaaladda”ayuu yiri Shiikh Shariif.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).