War qoraal ah oo si wadajir ah uga soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa lagu sheegay in xildhibaanada labada Aqal lagu wargelinayo in ay ka soo qeybgalaan fadhiga furitaanka si rasmi ah, loogana baahan yahay in ay diyaar ahaadaan waqtiga loogu talagalay.
Kalfadhigan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale oo muhiim ah, waxaana la filayaa in ajandayaasha horyaalla Baarlamaanka ay ka mid noqon doonaan, Ka doodista iyo ansixinta sharciyo muhiim ah oo la xiriira amniga iyo maaliyadda, Kormeerka hay’adaha dowladda iyo dabagalka miisaaniyadda, Warbixino laga dhageysto xukuumadda, gaar ahaan xaaladaha amni iyo arrimaha la xiriira dib-u-habeynta dastuurka iyo Doodaha ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka federaaleynta
Guddoonka labada Aqal ayaa ku booriyay dhammaan xildhibaanada in ay kasoo qeyb galaan kalfadhiga si looga doodo arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana looga shaqeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale la xasuusiyay xildhibaanada in la dhowro shuruucda iyo anshaxa Baarlamaanka inta lagu guda jiro kalfadhiga.
Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan baarlamaanka inuu dardar geliyo sharci dejinta, kormeerka xukuumadda, iyo ilaalinta danaha qaranka.
Waxaa la filayaa in munaasabadda furitaanka ay kasoo qeybgalaan madaxda sare ee dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka socda hay’adaha caalamiga ah, iyo marti sharaf kale.